ًMaamulka Degmadda Kaxda

Maamulka Degmada kaxda oo kaashanaya waaxda gaadiidka Dowladda Hoose ee Xamar iyo shirkada ifi ayaa caawa olale nadaafadeed ka sameeyay Degmada kaxda ee Gobolka Banaadir. Olalahaan ayaa waxaan ka qeyb qaatay ururka haweenka iyo dhalinyarada ee Degmada Kaxda. Guddoomiyaha Degmada kaxda Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada Degmada in ay ka qeyb qaataan olalaha ka socda Degmada si loo helo Degmo Nadiif ah.
Agaasimaha Guud ee Nadaafada iyo Bilic soo celinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dolwladda Hoose ee Xamar Mudane Maxamed Suudi ayaa ugu baaqay Ganacsatada in ay ka shaqeeyaan Bilicda Deegaanka.

0 Comments

There are no comments yet

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *